Saaxiibada Beesha Caalamka oo si adag uga hadlay Xiisadda dagaal ee ka taagan Garoowe

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin halista xiisadda dagaalka ee ka aloosan Garoowe oo ay ku jirto abaabulka ciidamada ee ka socda magaalada taas oo cabsi ku abuurtay shacabka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku muransan arrimaha doorashada Puntland in ay nabad iyo wada-hadal ku xalliyaan Khilaafkooda islamarkaana aysan wax marmarsiinyo ah u haysan rabshad ama hanjabaad iyo xoog.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed”.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka waxa si wadajir ah u soo saaray urur Goboleedka IGAD, Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Qaramada Midoobay, Maraykanka, Ruushka, UK, Jarmalka iyo dalal kale.

PUNTLAND POST