
Xaaladda magaalada Garoowe oo saacadihii la soo dhaafay laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa u muuqata saaka mid deggan.
Weli lama soo sheegin saaka wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ay samaynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah.
Xaafadaha xiga dhinaca Taliska Ligle iyo saldhiga galbeed ee caasimadda oo shacabku si weyn uga bara-kacay ayaa saaka cidla’ ah waxaana dhankaas ku sugan ciidamada taabacsan Mucaaridka.
Dhinaca kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan Garoowe si ay qayb uga noqdaan xal u raadinta xiisadda taagan.
Isimada dhaqanka SSC ayaa doonaya in ay qayb ka noqdaan dhex-dhexaadinta dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku muransan doorashada taas oo xiisaddan abuurtay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.