
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo xalay ka dhacay goollada degaanka Xaaji Khayr oo ka tirsan gobolka Nugaal.
Qoys ka bara-kacay xiisadda magaalada Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan shil ku galay goollada Xaaji Khayr waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaarigii qoyska waday iyo mid xamuul ah oo ka yimid dhinaca magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ilmo yar yahay ayaa ku dhintay shilka waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale iyadoo uu si ba’an u burburiyay gaarigii ay saarnaayeen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.