Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo magaalada Garoowe

Xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada taabacsan Mucaaridka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha Waxbarashada ay xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

PUNTLAND POST