Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markale maanta dhegaysatay garmaqalka 10 eedaysane oo loo haysto Argagixisanimo.
Eedaysanayaasha ayaa qaarkood safar u ahaa dhinaca Puntland si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysta buuraha sil-siladda ah ee Golis oo ku yaalla gobolka Bari.
Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaasha u socdeen buuraha Gal-gala si ay ugu biiraan kooxaha AS.
Shakhsiyaadkan qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan.
Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in raggan lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga dalka.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka xukunkooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.