Dabkii xalay ka kacay suuqa Xamar-weyne oo lagu guulaystay demintiisa

Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay deminta dab xooggan oo xalay qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.

“Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Dabkii xalay oo khasaare xooggan dhaliyay ayaanu wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday, iyadoo qaar kamid ganacsatada Suuqa ay sheegeen in hanti wixii halkaas u yiilay dabku la tagay.

PUNTLAND POST