Ra’iisul wasaare Xamsa oo kormeeray Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare)  ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta  ee sida ay u xaqiijiyeen amniga  caasimadda muddo gaaban.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina” ayuu yiri Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST