
Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan marinka QASA, iyadoo halis dhimasho ay ku jiraan kumanaan falastiiniyiin ah oo ku xayiran cisbitaalka al-Shifa oo la tilmaamay in ay la so derseen biyo la’aan, cunto la’aan iyo koronto ka’aan.
Af hayeenka wasaaradda caafimaadka marinka QASA Ashraf al-Qudra ayaa yiri “kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho” iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa ay socdaan habeenkii saddexaad.
Cisbitaalka Indonesia ee ku yaalla waqooyiga Gaza ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu ka maqan yahay adeegga korontada,waxaana dhakhaatiirtu ay la daalaadhacayaan daweynta bukaanada aan awoodin inay daryeel ka helaan al-Shifa.
Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israail ee QASA tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka ay marayso in ka badan 1200.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.