Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay Saamaynta Fatahaadda Webiyada

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin.

Xaaladda fatahaadaha ee ka jira deegaanada Jubaland oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha deegaanada ay fatahaadu ka dhacday iyadoo meelaha qaar ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo isla markana burbur xoog leh uu soo gaaray kaabayaasha kala duwan si gaar ahna degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay gabi ahaanba burbureen buundooyinkii ku yaalay.

Guddiga uu dhawaan Madaxweynahu u saaray wax ka qabaashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ayaa wada gurmad kala duwan oo la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saamaysay iyadoo durba gargaar kala duwan ay Dowladu gaarsiisay meelaha qaar.

Waxaa kale oo barakac xoog leh uu ka jiraa degmooyinka gobolka Jubada Dhexe oo boqolaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha ay soo gaarayaan deegaanada ku dhow Magaalada Kismaayo kuwaas oo golahu uu isku raacay in gurmad lala gaaro.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu qiimayn ku sameeyay kaluumaysiga Jubaland iyadoo ay jirto khatar la xiriirta agabka ay isticmaalan kaluumaysatada oo dhibaato ku haysa bay’ada iyadoo Wasaarada Kaluumaysiga la faray in ay dabagal ku samayso in kaluumaysatada ayna sababin dhibaato deegaanka khatar ku ah.

Wasaarada amniga ayaa ka warbixisay xaalada guud ee amniga Jubaland iyadoo Wasiirka wasaaradu uu golaha warbixin ka siiyay shaqooyinka u qabsoomay mudadii uu ku sugnaa gobolka Gedo.

PUNTLAND POST