Garaad Jaamac Garaad Cali oo digniin adag u jeediyay maamulka Somaliland ee weli colaadda hurinaya

Garaadka guud ee maamulka SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa digniin kama danbays ah u jeediyay Taliska Somaliland ee ku hawllan abaabulka dagaal.

Garaad Jaamac ayaa si adag digay Somaliland in ay joojiso abaabulka dagaalka iyo sheegashada degaannada SSC-khaatumo, islamarkaana ay dhulkooda ku ekaadaan, haddii ay nabad rabaan.

“Wiilashiinna haddaa ceshanaysan, wiilashayada waan ceshanaynaa, haddaan ceshan waydaanna, ceshan mayno. Ninkay hali ugu dhasho iyo ninkii ay ugu badiso aan aragno”.

“Somaliland, hadday mar danbe sheegato dhulkayaga ama dhahdo Xad baan soo xidhaynaa, annana waxa aan tegeynaa guryahooda [Hargeysa] waana soo qabqaban doonaa kuwii dhibta ka gaystay dhulkayaga” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Digniinta Garaadka ayaa imaanaysa, iyadoo xiisad dagaal iyo abaabul ciidan laga dareemayo jiidaha ay isku hor-fadhiyaan ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland.

PUNTLAND POST