Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay Wax ka beddelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey akhriska 2-aad ku sameeyey Xeeraka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa Golahu warbixinta ka dhegeystay, tasoo la la xiriirtey latashiyo uu la yeeshay dhammaan Hay’adaha uu khuseeyo Xeerka iyo wax-ka-bedelka Godobo kamid ah Xeerka.

Intaas kadib, Golahu wuxuu guda galay ka doodista Xeerka qodob-qodob, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland.

Xeerka dhakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa ujeeddadiisu tahay in la tayeeyo qaabka dhakhli uruurinta iyo cashuuraha Berriga Puntland iyo in muwaadiniintu ay bixiyaan cashuuraha ku waajibey ee waafaqan Xeerarka Cashuuraha Puntland, si dawladdu u fuliso adeegyada kala duwan ee loo qabto shacabka.

Dooddda wax-ka-bedelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa socon-doonta ilaaa maalinta berri oo ku beegan 14 November, 2023 si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeerka hoosaadka Golaha Wakiillada.