Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo diiday fikradda ah in Falastiiniyiintu maamulaan Marinka Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Gaza ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka labada dhinac.

“Ma jiri doono maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israa’iil, laynta muwaadiniinta YH iyo baabi’inta dowladda Israa’iil” ayuu Netanyahu ka sheegay shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin.

Tan ayaa khilaafsan fikirka Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken kaas oo soo jeediyay “Waa in ay jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan”.

PUNTLAND POST