
Dagaal aad u xooggan ayaa hadda ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal beeleed.
Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad laga soo ururiyay Caynaba iyo Habari-heshay ayaa sida la sheegayo soo weeraray Buq-dharkayn.
Ciidamada SSC oo sugayay Amniga degaanka Buq-dharkayn ayaa jawaab ka bixiyay weerarka Ciidamada Somaliland sida ay noo sheegeen saraakiisha SSC-Khaatumo.
Dagaalka ayaa sii xoogaysanaya waxaana nawaaxiga laga maqlayaa deryanka hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.