
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Garoowe.
Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayntu dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan dhinaca mucaaridka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda oo gelbinaya nin Youtuber ah lagu weeraray barxadda Garoowe.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday is-rasaasaynta halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda.
Weli ma cadda waxa iska hor-imaadka sababay islamarkaana kama hadlin laamaha Amniga dowladda Puntland.
Dhinaca kale ciidamada mucaaridka ayaa hoobiye ku tuuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.