Dowladda Soomaaliya ayaa ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) la saxiixatay heshiis ku saabsan dhanka Horumarinta Isgaarsiinta.
War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo ururka ururka Caalamiga ah ee (ITU) ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan horumarinta iyo casriyaynta hannaanka Isgaarsiinta dalka.
“Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU iyo Wasaaradda ay iska kaashandoonaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka” ayaa lagu yiri warkaas.
Heshiiska waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyadda Jaamac Xasan Khaliif, halka uu dhinaca (ITU) u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Isgaarsiinta Dr Cosmas Luckyson Zavazava.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.