Israail oo in ka badan 10,000 kun oo Falastiiniyiin ah ku dishay marinka Qasaa

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa shaaciyay in ilaa iyo hadda in ka badan 10,000 kun oo rayid ah lagu dilay duqaymaha ba’an ee ku socda marinka Qasaa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegaysa in marba marka ka danbaysa ay sii kordhayaan rayidka u badan dumarka iyo carruurta ee ku dhimanaya duqaymaha joogtada ah ee Israail ku hayso magaalada go’doonsan ee Qasaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa mas’uuliyiinta caafimaadka ka soo xigatay in duqeymaha Israail ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka.

Dhinaca kale, Baadariga Pope Francis ayaa baaq degdeg ah ka soo saaray duqaymaha ku socda marinka Qasaa si loo joojiyo xasuuqa isaga oo ku baaqay gargaar bini’aadantinimo iyo in la caawiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan si joogto ah uga fikirayaa xaaladda khatarta ah ee Falastiin iyo Israa’iil oo dad badan ay ku naf waayeen, waxaan idinkugu baaqayaa inaad rasaasta ku joojisaan magaca Ilaahey,” ayuu u sheegay dad isugu soo baxay fagaaraha St. Peter’s Square.

Francis, oo 86 jir ah, ayaa horay ugu baaqay in la furo waddooyinka bini’aadantinimo, wuxuuna sheegay in xal laba dowladood ah ay lagama maarmaan tahay, si loo soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Israail iyo Falastiiniyinta.

PUNTLAND POST