Dowladda Puntland oo war ka soo saartay Khasaaraha ka dhashay daadadka Gaalkacyo

Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay daadadkii xalay ku soo rogmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in roobab xooggan oo laba maalmood ka da’ayay Gaalkacyo ay sababeen khasaare isugu jira burbur hantiyeed iyo bara-kac.

“Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo”.

“Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha Gargaarka deg dega ah iyo dadka reer Puntland in ay is garab taagaan shacabka Gaalkacyo gaar ahaanna dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada.

PUNTLAND POST