Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan dood adag ka yeesho arrimaha doorashada 2024.
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa si weyn ugu kala qaybsan doodda ku saabsan hubanti la’aanta ka taagan qabsoomidda doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannadu kala raacsan yihiin dhinacyada xukuumadda iyo mucaaridka oo ku muransan nooca loo qabanayo doorashada soo socota ee Puntland.
Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku doodaysa in doorashada lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod si loo dhammaystiro barnaamijka dimoquraadiyadda.
Mucaaridka ayaa dhankooda ku adkaysanaya in doorashada madaxtinimada lagu qabto nidaamkii hore ee 66-xildhibaan ee odayaashu soo xuli jireen islamarkaana xukuumadda danbe dhammaystirto qof iyo cod.
Isimada dhaqanka qaarkood oo ku shiray Garoowe ayaa sidoo kale soo jeediyay in doorashada lagu galo 66-dii balse xukuumadda ayaa gebi ahaanba arrintaasi diiday.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.