Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna duqa degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Mohamed Osman ( Shanle ) oo ay wehelinaayaan Taliyaha ilaalada Nabadgalyada wadooyinka Puntland Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Masuuliyiin kale ayaa Kormeeray wadooyinka Halbowlaha ah ee magaalada Bosaaso.
Masuuiyiintan ayaa Socod kusoo maray Wadooyinka Muhiimka ah isku xiray Goobha ganacsi dekedda xarumaha Dowladda si ay usoo arkaan waxna uga qabtaan Ciriiriga iyo saxmada ka jirta wadooyinka, iyagoona si rasmi ah u daahfuray qorshaha Furida iyo Baneynta wadooyinka Bosaaso.
Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa Bulshada ku wargeliyay si loo fududeeyo isu socodka gadiidka iyo Bulshada in aan la dhigi karin gadiidka meel aan Baakin ahayn, laguna ganacsan karin meelaha loogu talagalay dadku in ay maraan ama gadiidka in la dhigto loogu talagalay sidoo kale waxaa la amraaya dadka wadooyinka ku xiray dhagxaanta iyo waxyaalaha la mid ka ah in ay si degdeg ah uga guraan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.