Ra’iisul wasaare Xamse “Xamaas maaha urur argagixiso ee waa urur xornima-doon”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas aanu ahayn urur argagixiso ah.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Xamaas ku tilmaamay urur xornima-doon ah waxaana uu ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood oo siman si loo joojiyo colaadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto, taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa’iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin” ayuu yiri mudane Xamse.

“Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur ,haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa’biso Israa’iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa’iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST