Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Wasiirkii Caddaalada ee YH Levniye uu Waashay, Kadib markii uu argagax iyo xanuun maskaxda ah ka qaaday Weerarkii Xamaas .
Wasiirka ayaa dareemayey Cabsi, niyad jab iyo isku buuq sababo la xiriira dareenkiisa mas’uuliyadeed wixii dhacay 7-dii Oktober ee weerarkii ay xamaas gudaha ugu gashay Israa’iil .
Wasiirkan ayaa loo diiday in uu dalka dibadiisa aado,TV-ga 12-aad ee Israa’iil ayaa arintan ka Waraystay siyaasiga la yiraahdo Ben Caspit,wuxuuna yiri:
“Sababta Wasiirku Caqligiisa u waayey,waa Culaysyo haystay, sidoo kale wuxu dareemayey ceeb iyo fashil, Qoyskiisa oo uu u cabsanayey noloshooda iyo dareenkiisa masuuliyadeed fashilkii dhacay 7-dii-October”
“Maalmo ka hor Wasiirku inta aanuu waalan, wuxuu doonayey in uu is casilo, balse Xukuumada ayaa ka diiday, Waxaan filayaa hadii laga aqbali lahaa inuu dalka ka baxo oo is Casilo xiligan Ma Waasheen” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.