Somaliland oo go’doomisay maleeshiyaada uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe

Wararka ka imaanaya duleedka Oog ayaa sheegaya in halkaas lagu go’doomiyay maleeshiyaad yar oo taabacsan Mahad Cambaashe.

Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo weli ku harsan dhinaca Somaliland islamarkaana degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool ayaa lagu soo warramaya in ay wajahayaan cadaadis ba’an.

Wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Somaliland uu shaki xooggan ka muujinayo in maleeshiyaadka Mahad Cambaashe qaarkood hubka la goostaan taas oo keentay in waardiye laga qabto.

” Afarta jiho ayaa ciidamo laga dhigay maleeshiyaadka Mahad Cambaashe hoggaamiyo si aysan hubka ula goosan kadib markii laga shakiyay qaarkood in ay u baxsadaan dhinaca SSC-Khaatumo” ayuu noo sheegay qof xog-ogaal ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay Somaliland isu diyaarinayso in ay dagaal rogaal celis ah ku qaado dhulka SSC ee xabbada lagaga soo saaray.

PUNTLAND POST