Ciidamada militariga Israa’iil ayaa maanta shaaciyay in ay sii ballaarinayaan howllgalada dhulka ah ee Gaza halka diyaaradahooda dagaalku ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen goobaha rayidka ee marinka Gaza.
Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay duqaymaha ku socda marinka Gaza.
Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta.
Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.