
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay odayaasha degmadaas.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa kala hadlay Odayaasha Dhaqanka degmada Diinsoor Qorshaha Qaran ee la-dagaallanka kooxaha Argagixisada ah ee AS iyo sidoo kale ilaalinta wadajirka bulshada Diinsoor.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed Mudane Xuseen Maxamuud Shekh Xuseen iyo qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha iyo xubnaha wafdiga ee la socdo ayaa odayaasha iyo waxgaradka kala hadlay dardargelinta wajiga 2-aad ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada AS.
Ayuub Hudayfi
You must be logged in to post a comment.