
Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay shaacisay in diyaar u tahay gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiso shacabka Falastiin ee ku go’doonsan Marinka Gaza.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhaqaatiir iyo gargaar bini’aadanimo in ay gaarsiiyaan magaalada Gaza.
Guddoomiye Maxamuud Macallin oo lahadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa tilmaamay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafac ee xuduudda Falastiin iyo Masar.
Ayuub Hudayfi
You must be logged in to post a comment.