Macnaha Aqoonsiga SSC-Khaatumo Leeyahay

Wasiirka Arrimmaha Gudaha dowladda federaalka Axmed Fiqi oo akhrinaya aqoonsiga heer maamul ay SSC-Khaatumo heshay, Cabdulqaadir Aw Cali, hoggaamiyaha SSC (midig), oo dhegeysanaya.

Muqdisho (Gorfeyn Wareed) — Dhowaan dowladda federaal Soomaaliya waxay SSC-Kaahtumo u aqoonsatay maamul. Tallaabadan ayay dad badan u fasirteen in ay la heer tahay xubin maamul federaal (federal member state). Tallaabada dowladda federaalku qaadday dhowr saameynood oo waaweyn ayay leedahay:

1-   Waxay xoojisay oo si sharci ah u difaacday doodda dadka SSC-Khaatumo in aysan ka mid ahayn maamulka midnimodiidka (anti-union/secessionist) oo dadka iska caabbinta waday ku tilmaamay argagixiso. Dowladda federaaalka go’aankeedu ma aha oo keliya mid ay ku muujisay mowqifkeeda dhowrista midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, hase ahaatee waxay ku beenisay doodda Muuse Biixi  oo ah in ciidammadiisu la dagaallamayaan argagixiso markii ay duqeynayeen Laascaanood.

2-   Go’aanku wuxuu dhowray sharciga federaalka oo wuxuu dhulka SSC-Khaatumo caddeeyay Puntland tahay deegaanka doorasho heer federaal ee dhulkaas.

3-  Go’aanku wuxuu meesha ka saaray summaddii “dhulka lagu muransan yahay” oo  muddo dheer saarnayd dhulka SSC-Khaatumo.

Dagaalkii Laascaanood weji gabax ayuu dowladda federaalka u keenay waayo marnaba  madaxda sare dowlada federaal si cad uma riddinin doodda Muuse Biixi oo ah in uu soo xirayo xuduudo gumeyste ka tagay iyo Somaliland dal gaar ah tahay. Dagaalka Laascaanood wuxuu fursad badan siisay Itoobiya oo hadda haysata sababo amni ay ku soo geli (qabsan) karto Saylac maadaama Somaliland ku doodayso inay bannaanka ka taagan tahay qarannimada Soomaaaliyeed, waana dood ku salaysan in Biixi hoggaamiyo beelo heshiis ilaalin ah la galay Imbaradooriyaddii Biritishka.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka taageeray qaraarka Qaramada Midoobay si loo dhowro rayidka Falastiin (Gaza).

Aqoonsiga SSC-Khaatumo waxaa weheliya mas’uuliyad dowladda federaalku iska saartay in maxaabiista Somaliland la geeyo Muqdisho si loogu wareejiyo maamulka Somaliland.  Sida hindisahan uu suurtoobayo ma cadda maadaama Somaliland ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya xilli Muuse Biixi abaabulayo dagaalo beeleed isagoo weli og meesha hadalkiisii “furaha joojinta dagaalka gacantayduu ku jiraa” uu ku dambeeyay. Qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ayaa sababo aadaminimo awgood loo sii diiyay.

Colaad cusub oo maamaulka Somaliland ka alooso Waqooyiga waxay noqon doontaa mid ka ballaaran tii hore oo waxay yeelan doontaa weli qabiil. Colaadda noocaas oo kale ah waa midda sababtay in maanta ciidammo shisheeye ay ku sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya inkastoo Biixi u arko in colaadda heerkaas gaarta ay u sahlayso inuu talada Hargeysa sii hayo ama uu ku helo kala goyn ku salaysan dhulkii Somaliland aftidii aan la aqoonsanin ay 2001 ka qabatay, dhulkaas oo aan ahayn dhulka SSC-Khaatumo.

Sida SSC-Khaatumo u oggolaanayso in ay wareejiso maxaabiista Somaliland way adag tahay waayo Somaliland hore ayay u diidday baaqii ka soo baxay Golaha Amaanka iyo soo jeedintii beesha caalamka.  Colaad cusub oo  dhacda waxay sii dhaawici doontaa sharciyadda dowladda federaalka oo shalay taageertay qaraarkii Qaramada Midoobay si loo dhowro rayidka Falastiin (Gaza). Dagaalkii maamulka Somaliland ku soo qaaday Laascaanood wuxuu si ba’an u saameeyay rayidka. Dagaallo cusub oo beeleed hadday u aloosamaan sida Muuse Biixi uu ugu baaqay, saameynta ugu horreysa waxay gaaraysaa rayidka reer guuraaga ah, oo Somaliland waxay noqon doontaa maamul soo weeraraya maamul kale oo ismaamul hoosaad leh oo dowladda federaalku aqoonsan tahay.

© Puntland Post, 2023