Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay

Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 53-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa la shaaciyay maanta oo Sabti ah.

Ajandaha waxa lagu daray qodob ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka Puntland ee sannadka 2024.

Qodoba la xiriira amniga guud ee Puntland iyo qulqulka soogalootiga ayaa sidoo kale lagu daray ajandaha Baarlamaanka Puntland.

Ansixinta Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sannadka 2024 iyo meel-marinta xeerarka xukuumaddu soo gudbiso ayaa sidoo kale ku jira.

PUNTLAND POST