
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.
Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadlay arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.