Dikreeto: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo ku xigeenkiisa labaad oo la magacaabay

Garoowe: 24 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:               Dastuurka   Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:               Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad  ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-