
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta dowladda Soomaaliya mudane Cabdiweli Timacadde ayaa Xarunta hay’adda waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Gudiga Rugta ganacsiga Soomaaliya.
Maareeyaha ayaa kulankaan kula wadaagay Gudiga rugta ganacsiga Nidaamka Bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha kaasi oo dhawaan si rasmi loo bilaabi doono diiwaan gelinta Muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dadka sida sharciga ah ku jooga dalka.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Soomaaliya Cabdiweli Timacadde ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA ay hirgalinayso nidaam loo dhan yahay si fududna lagu wada heli karo.
Guddoomiyaha Rugta Gancsiga Somaaliya Mudane Maxamuud Cabdikariim Gabayre ayaa tilmaamay in ay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda Diiwaangalinta dadweynaha. Wuxuuna sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn ay u qabaan helitaanka Kaarka Aqoonsiga dadweynaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.