Ugu yaraan lix askari oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas ismiidaaminta ah sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Mas’uuliyiinta amniga iyo kuwa gobolka ayaa sheegay in baabuur miinaysan lagu qarxiyay xerada oo ku taalla Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale xaqiiiyey tirada askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

PUNTLAND POST