Muqdisho (Wararka PP) — Dowladda Itoobiya waxay dhowaan shaacisay baahida ay u qabto inay xeeb yeelato. Seddex dal ayaa ku soo dhacay maskaxda dadka dhegeystay khudbad uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed jeediyay dhowaan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritreeya. Seddexda dal Soomaaliya ayaa ugu taagdaran siyaasad iyo gaashaandhig ahaan. Waa dal ciidammo ka socda Itoobiya ay ku joogaan ujeeddooyin nabad-ilaalineed, ka sokow ciidammadii dowladda Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Midowgii Maxkamadaha (2006-2009).
Itoobiya waxay indhaha ku haysaa degmada Seyla oo dhowaan meel aan ka fogeyn ay soo dhoobtay ciidaammo aad u tiro-badan, diyaaradaheeda dagaalkuna dhoollatus ku samaynayeen.
Su’aalaha gorfeeyayaashu is weyddiinayaan waxaa ka mid: Maxay cuskan kartaa Itoobiya si ay u qabsato Seylac? Xeeldheere arrimmaha istaraatijiyadda oo ku sugan Muqdisho ayaa u sheegay Puntland Post in Itoobiya ka baaraandegayso cuskashada laba qoddob midkood: “1- In ay cuskato sababo amni kaddibna soo weerarto Seylac. 2- Inay cuskato heshiis qarsoodi ah oo dowladdii EPRDF Somaliland la gashay Itoobiya 2013 kuna saabsanaa in Itoobiya difaaacdo Somaliland haddii la soo weeraro. Xeeldheeruhu wuxuu sheegay “in Itoobiya aad uga fiirsanayso sida labadaas qodob ay iskugu dhafi lahayd si ay Seylac u qabsto oo muddo dheer u joogto ama ugu qanciso Soomaaalida in degmadaas laga kireeyo Itoobiya.”
Sanadkii 2013 ayuu Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaaci doonto Somaliland haddii la soo weeraro, Waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo maamulkii Madaxweyne Siilaanyo la saxiixday madaxdii sarsare ee TPLF xillli xiriirka Tigreega iyo dowladda federaalku uu aad u xumaa taageeradii Itoobiya siinaysay hindisihii Jubaland lagu dhisayay oo dowladdii federaalku xilligaas ka biyo-diidday awgiis.
Waxa ugu weyn ay la taliyayaasha Abiy Ahmed rogrogayaan waa sida ay u adeegsan karaan heshiis Somaliland si qarsoodi ah ula gashay ururka TPLF oo uu dagaal dhexmaray ciidaanka difaaca Itoobiya ka hor heshiiskii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray. Abiy Ahmed wuu og yahay in Somaliland ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya oo ah tan dowladda federaalku cuskan karto haddii dal ka tirsan Midowga Afrika uu qabsado dhul Soomaaliya ka mid ah. Sheegashada Somaliland inay dal gaar ah tahay waa sabab ay Itoobiya ku soo weerari karto Seylac iyadoo ku doodaysa in dadka degmada deggani ay taageersan yihiin weerarka maadaama maamulka dhulka ka arrimiya diiddan yahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Himiladii Haile Sellassie oo ahayd in Waqooyiga (dhulkii loo yiqiin British Somaliland ka hor 26 Juunyo 1960) ka mid noqdo Itoobiya inay rumoobi karto ayay qabaan la taliyayaasha Abiy Ahmed.
Dowladda maamulka Somaliland may ka hadlin hadalka Abiy Ahmed ku saabsan in Itoobiya xeeb u baahan tahay. Sanandkii 2018 Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Reuters u soo sheegay in dowladda Imaaraadka looga baahanyahay inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. “Waxaannu u sheegaynaa DP World inay ka fiirsato heshiisyada gaar ahaan kan ku saabsan Dekedda Berbera maadaama Somaliland sheeganayso inay dal madaxbannaan tahay” ayuu yiri Cawad. Barlamaankii Soomaaliya ee dowladdii hore ayaa sidoo kale diiday heshiiskii dhexmaray DP World iyo Somaliland, heshiiskaas oo dalka Itoobiya saami ka siinayay Dekedda Berbera. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabraxmaan Cirro oo keliya ayaa si toos ah uga hor yimid heshiiskaas. “Heshiisyada Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ka muuqda madmadow iyadoon dadka si cad loogu soo bandhigin heshiisyadaas” ayuu Cirro yiri Maarso 2018.
Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa caddaanaysa in qarannimadu tahay asaaska difaaca danaha qaran leeyahay ka sokow wax kasta oo dadka dalkaas isku maandhaafsan yihiin siyaasad ahaan. 32 sano kaddib markii Somaliland ku dhawaaqday goonni-isu-taag aan sharci ahayn waxay Hargeysa ku baraaarugtay u nuglaanta in Itoobiya qabsato Seylac.
© Puntland Post, 2023
You must be logged in to post a comment.