Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa maanta u safraya waddanka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxda dalkaasi.
Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara nolosha dadka rayidka ah.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska wuxuu Khamiistii la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan, wuxuuna ku booriyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysato taageerada xasilloonida Bariga Dhexe.
Dhinaca kale gawaarida sida sahayda gaargaarka ayaa weli ku sugan marinka Rafax ee xadka Masar iyo Koonfurta Gaza ,iyadoo laga cabsi qabo duqeymaha Israa’iil oo weli socda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.