Xasan Majabe oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka cusub ee Arrimaha gudaha Puntland

Garoowe: 19 October 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee 19-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Xasan Yuusuf Majabe loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-