
Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Caddaaladda Puntland Mudane Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta iska casilay xilkaas.
Dr Maxamed Cali Faarax oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Facebook ayaa sheegay in sidoo kale uu iska casiley xubinimadii ururka siyaasadeedka Kaah.
“Waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ahaa saaxiibada ku dhaw Madaxweyne Deni shantii sanno ee la soo dhaafey sidoo kale waxa uu xubin muhim ah ka ahaa Xisbiga Kaah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.