Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaa dhaqdhaqaaqyada dagaal iyo ficillada colaadeed ee ka imaanaya Somaliland kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan dhulka miyiga ah.
SSC-Khaatumo ayaa ku wargeliyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu Taariikh 14-kii October 2023 ku baaqay in uu abaabulayo dagaal beeleedyo, isagoona ballanqaaday inuu colaad ka hurin doona degaannada oodwadaagta laga yahay ee u dhexaysa Ceerigaabo illaa Buuhoodle.
“Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Soomaalilaan waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Soomaalilaan damacsan tahay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay SSC-Khaatumo.
Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wargeliyay Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha derisyadooda, islamarkaana u hoggaansan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo qarraaradii Golaha Ammaanka Qaramada midoobay.
“Maamulka SSC-Khaatumo waxay hoosta ka xarriiqayaan in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo dhan, daandaansi kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaasoo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisu” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SSC.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.