
Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegay inay dalkaas soo foodsaartay abaartii ugu darnayd mudda qarni ah, taas oo keentay in uu qalalo webiga caanka ah ee Amazon ee dhexmara dalkaas.
Hay’adda difaaca madaniga ah ee gobolka Amazon ayaa sheegtay in abaartani ay saamaysay in ka badan 481,000 oo qof.
Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegaya in biyo la’aanta soo foodsaartay webiga Amazon inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta muddo ka badan 100 sannadood.
Sidoo kale heerkulka oo aad u sarreeya ayaa sababay in ay gebi ahaanba le’daan xayawaano badan oo ku noolaa webiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.