Wararkii u danbeeyay ee dagaal ka dhacay Galgaduud

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Shabaab ay saaka soo weerareen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo ku sugan degaanka lagu magacaabo Bar Ujeed oo u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaanka lasoo weeraray uu istiraatijiyad u leeyahay hawlgallada ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka, waxayna sheegeen in ciidanku halkaasi ay dhaqdhaqaaq ka wadeen.

Kooxda Shabaab ayaa dhinacooda shegetay in maleeshiyaadkaadu ay qabsadeen saldhiggaasi ayna dileen tobannaan ka tirsan ciidamada dawladda, sheegashadaas oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin.

PUNTLAND POST