Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari
Taliska PSF ayaa sheegay in hawlgalkaas ay ka fuliyeen degaanno ka tirdan buuraleyda gobolka Bari oo ay ku jiraan Yucrun, Ceelka dhul, Cascaso, Qarka xabley, Ceelka dhiciro, Gaaca iyo Conqor.
Hawlgalka ayaa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS, oo uu kamid yahay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka u qaabilsanaa maleeshiyaadka AS, sida ay sheegeen PSF.
“Hawlgaladaas waxaa lagusoo qabqabtay sadex xubnood oo uu kamid yahay madaxii sahanka iyo wardoonka ee kooxda khawaarijtaa” ayaa lagu sheegay warka PSF.
PUNTLAND POST