Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay jeediyay madaxweyne Deni oo uu ku sheegay in doorashada 2024 lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod.
Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid in doorashada 2024 lagu qabto hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.
Mucaaradka ayaa mar kale ku celiyay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi sharci-darro ah ka dhex raadinayo nidaamka doorashada qof iyo cod si uu xukumka u sii joogo taasina aan marnaba la aqbali karin.
Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqoonsanayn ku dhaqanka wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan.
Dowladda Imaaraatiga oo gacanta ku haysa ciidamada PMPF ee Puntland ayay sidoo kale u direen cabasho ka dhan ah PMPF waxaana ay sheegeen in ciidankaas madaxweyne Deni u isticmaayo mudda kororsi.
Halkaan ka daawo jawaabta Mucaaradka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.