Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland ku jirto xaalad diyaar-garow dagaal ah

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ku jirto xaalad dagaal iyo diyaar-garow culus si ay dib ugu weerarto dhulka SSC-Khaatumo.

Kornayl Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland laga difaacayo cadow isa soo bahaystay oo duullaan ku ah.

Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in loo midoobo dagaalka rogaal-celinta ah oo sida uu tilmaamay lagu difaacayo xuduudihii gumeysigu u sameeyay Somaliland.

Hadalkiisa ayaa meesha ka saaraya rajadii laga qabay in wada-hadal iyo heshiis lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo si loo helo xal nabadeed.

PUNTLAND POST