Madaxweyne Deni oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland u jihaysatay doorasho qof iyo cod ah

Madaxweyne Siciid Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada soo socota ee madaxtinimada Puntland ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC uu ka shaqayn doono hirgelinta hannaanka qof iyo cod ee lagu dooranayo madaxda sare ee Puntland.

“Anigoo ah Madaxweynihii Dalka waxaan ku dhawaaqaya in uu dalku u jiheeystay Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha SSC-Khaatumo” “Puntland way taageersantahay dadka SSC, Maamulkooda iyo dhaqankooda sida hore u sheegnay, mudada labada sano ah ee ay dhismayaana wixii xuquuq ah ee ay Puntland ku lahaayeen sidoodii ayeey u helayaan, waana la garab-taaganahay taageero nooc walbo”.

Halkaan ka daawo Khudbadda Madaxweynaha

PUNTLAND POST