
Wararka ka imaanaya degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaas saaka laga dareemo xiisad dagaal oo xooggan.
Maleeshiyaad ururis ah oo la isaga keenay degaannada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaan degaankaas Qorilugud.
Xiisadda ayaa daba socota dagaal beeleed hubaysan oo dhawaan ka dhacay dhulka miyiga ah kaas oo dhexmaray laba beelood oo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorilugud.
Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda uu gadaal ka riixayo taliska Muuse Biixi oo raadinaya in uu colaad horleh ka abuuro beelaha labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.