War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Mucaaradka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay

Shirweynihii Mucaaradka Puntland oo mudda laba maalmood ah socday ayaa maanta ku soo xirmay magaalada Garoowe.

Shirka waxaa looga arrinsaday maaraynta Marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan siyaasadda Puntland gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024 waxaana geba-gabadii laga soo saaray War-murtiyeed qodobaysan.

“Wuxuu shirku go’aamiyey in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taas oo aan ognahay wixii laga soo maray. Maadaama mudada xil haynta ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka harsan tahay muddo kooban, waxaa shirku isku raacay in doorashada keli ah la qaban karaa ay tahay 66dii xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

“Shirku wuxuu Isimadda Puntland ugu baaqayaa inay doorkoodii shariifka ahaa qaataan soona xulaan xubnihii Baarlaamaanka sida ugu dhakhsaha badan. Shirku wuxuu soo jeediyey haddii Dowladdu qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan dalku firaaq Dastuuri ah geli doonin”.

“Shirku wuxuu bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-khaatumo, wuxuuna soo jeedinayaa in la tixgeliyo rabitaanka bulshada SSC-khaatumo, waxaana bulshada kale ee Puntland ku boorineynaa inay laba-laaban taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay la garabtaanaayeen walaalohood” ayuu sii raaciyay War-murtiyeedka.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka

PUNTLAND POST