Firdhiye “Dadka Reer SSC qayb kama noqon doonaan doorashooyinka Puntland”

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa markii u horraysay shaaciyay in aysan dadka reer SSC ka qayb geli doonin doorashooyinka Puntland.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer SSC ay dhisteen maamulka iyaga u gaar ah, islamarkaana aysan qayb ka noqon karin doorashooyinka Puntland, haddii ay qof iyo cod noqoto iyo haddii ay sidii hore u dhacdaba.

“Doorashada Puntland ee soo socta deegannada Khaatumo kama qayb galayaan, hadday qof iyo cod la dhaho deegankayaga kama dhici karto oo uma diiwangashana, qarashna loomaba hayo, hadday sidii isamadu qori jirtay ay noqotaba” ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in iyaga iyo Puntland ay noqdaan laba maamul oo deris ah, oo iskaashi ka sameeya dhinacyada Amniga iyo Horunarinta.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa xalay Hadalkan ka jeediyay Madal su’aalo lagu weydiinayay oo ay soo agaasintay Machadka Heritage.

PUNTLAND POST