Puntland oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucday in ay hub la soo galaan Garoowe

Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aanno u muuqda kuwa lagu cabburinayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee imaanaya Garoowe.

Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Guddiga ayaa sheegay in Amniga siyaasiyiinta imaaanaya Garoowe ay mas’uul ka tahay dowladdu islamarkaana aysan hub la soo geli karin gudaha magaalada.

Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST