Siyaasadda muranka dhalisay ee dowladda Ingiriiska ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ayaa toddobaadkan wajahaysa, mid ka mid ah caqabadaha ugu adag, iyada oo Maxkamadda Sare ee UK ay miisaamayso in ay sharci tahay in magangelyo-doonka loo diro Rwanda.
Xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Muxaafadka ahi, ayaa ka soo horjeedda go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Racfaanku bishi June ee sannadkan, kaas oo sharci darro ku tilmaamay, siyaasadda ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hakiso qulqulka muhaajiriinta imanaya Britian.
Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sababaysay, inaanu ammaan ahayn dalkan ku yaalla bariga Afrika ee ay dowladda Britian doonayso in ay u dirto muhaajiriinta.
Dowladda Biritian ayaa ku qiyaasatay in intii ka horraysay bishan October 2-deedii inay dalka Britain ay doomo ku soo galeen illaa 25,000 oo qof, taasoo 25% ka yar tiradii sannadkii hore haatan oo kale soo gashay dalka Britain oo ahayd 33,000.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.