Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib U Heshisiinta XJFS Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Kulanka ayaa waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Mudane Cabdi-Sahal Jaamac Maxamed, iyo Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda XJFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay saamayntii dagaaladu ku reebeen deegaannada SSC-Khaatumo, sidoo kale waxaa kulanka diirrada lagu saaray arrimaha hortebinta u leh Maamulka SSC-Khaatumo gaar ahaan arrimaha gudaha oo ay ugu horeyso maamul daadejinta, Dib U Heshiisiinta, iyo guud ahaan iskaashiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa xusay in ay Wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay si weyn gacan uga geysato arrimaha Dib U Heshiisiinta, maamul daadejinta iyo arrimaha kale ee hoos yimmaada awoodda Wasaaradda.
Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa Xukuumadda JFS iyo Wasiir Fiqi uga mahadceliyey soo dhawayntii qiimaha badnayd ee ay ku maamuuseen weftigiisa.
You must be logged in to post a comment.