
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in argagixisada aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah.
Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaaran, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka.
Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.
Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey, oo shalay galab dib loo furay, islamarkaana qorshuhu ahaa in Erdogan uu khudbad ka jeediyo.
Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.