
Qarax lagu tilmaamay weerar argagixiso ayaa saaka ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara.
Qaraxa oo ismiidaamin ahaa waxa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.
“Laba nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya.
Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana la fashiliyey.
Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka.
Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda.
Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga.
Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran halkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.